Выберите регион
и язык интерфейса
Покажем актуальные для региона
Telegram-каналы и возможности
Регион
avatar

FAHANKA NOLOSHA 🌍💕

fahankanolosha35
Waqtigu cidna ma beddelo..lakin Waqtigu wuxuu daaha ka qaadaa runta qof walba,!!! halkaan ugu imaaw qoraallo qulubtaada soo jiita sawiraan indhahaaga soo jiita, 🥰 🥰 🌹 . FAHANKA NOLOSHA fadlan, JOIN dheh) tallo wixi aad rabto( 👉 @macruuf1
Подписчики
10 759
24 часа
-2
30 дней
-169
Просмотры
232
ER
2,16%
Посты (30д)
43
Символов в посте
504
Инсайты от анализа ИИ по постам канала
Категория канала
Религия и духовность
Пол аудитории
Женский
Возраст аудитории
25-34
Финансовый статус аудитории
Средний
Профессии аудитории
Психология и консультация
Краткое описание
November 03, 04:34
Файлы недоступны
1
Открыть в Telegram

Salaan sare oo nooga timid Masjid Faisal Islaamabaad

November 02, 10:59

Maxaan ugu baahanahay kun saaxiib,
Anigoo haysta hal saaxiib oo u dhigma kun saaxiib?
❤️

October 31, 18:06

Qalbi walba waxa uu leeyahay qaybtiisa farxadda
Waxayna u imaan dontaa farxaddas waqtigii Alle u qaddaray,
Hadagdagsan rizqi Aan waqtigisi lagaarin
Hana moodin soodahintu iney tahay hoojin ama quus

October 30, 13:26

Gunaanad
Waxaan arrintan ku soo koobayaa afar qodob:
Qowmiyaddu ma aha sabab shareecadu ku bannaysay in qof lagu dulmiyo.
Gubista guriga qof aan wax dambi ah lahayn waa xaaraan.
Barakicinta dadka iyadoo lagu salaynayo qabiil, isir ama asal waa dulmi.
Qofka Muslimka ah waxaa waajib ku ah inuu caddaalad sameeyo xitaa marka uu la macaamilayo qof uu neceb yahay.
Qofka muslimkaa waddan kasta oo muslim leeyahay Haddi aanuu dambi kasamayn wax didaya oo sharci ah majiraan inuu ku noolaado.

October 30, 13:21

Maxaa laga rabaa qofka Muslimka ah?
Haddii qofka Amxaarada ama Oromada ahi dembi sameeyo, waxaa la eegayaa dembiga uu galay, waxaana loo marayaa caddaaladda iyo sharciga, ee lama ciqaabayo qowmiyaddiisa oo dhan.
Haddii uu qof dambiile yahay, dembigiisa isaga ayaa qaadaya; Lkin qof kale oo isku qowmiyad yihiin laguma ciqaabi karo Dambiga qof kale galay.

October 30, 13:19

Ma la cayrin karaa qofka ajnabiga ah?
Halkan waxaa jira kala duwanaansho muhiim ah:
In qof lagu cayriyo qowmiyaddiisa darteed: Ma bannaana, waana dulmi.
In gurigiisa la gubo: Waa xaaraan iyo burburin hanti aan xaq lagu lahayn.
In qof la barakiciyo iyadoo lagu cabsi gelinayo ama la garaacayo: Waa dulmi iyo gardarro.
In dowladdu ay qof ka saarto dalka sababo sharci ah oo dhab ah: Arrintaas waxay leedahay axkaam iyo habraacyo u gaar ah, waana in la ilaaliyo caddaaladda, xuquuqda iyo hantida qofka.
Alle wuxuu yiri:
وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَىٰ أَلَّا تَعْدِلُوا ۚ اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَىٰ
Yaan nacaybka aad qoom u qabtaan idinku kallifin inaad caddaalad-darro samaysaan. Caddaalad fala, taas ayaa Alle-ka-cabsiga u dhow.
(Suuratul-Maa'idah: 8).

October 30, 13:17

Xukunka shareecada Islaamka ee Muslimka Amxaarada ama Oromada ah: in la cayriyo, la dulmiyo ama gurigiisa la gubo,
Qofka waxaa lagu qiimeeyaa diintiisa iyo camalkiisa, mana aha qowmiyaddiisa, afkiisa ama halka uu asal ahaan ka soo jeedo.
1. Qowmiyadda oo kaa duwan ma bannaaynayso dulmiga
Alle SWT wuxuu Qur'aanka ku yiri:
يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ
Dadow, waxaan idinka abuurnay lab iyo dheddig, waxaana idinka yeelnay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan. Kan idiinku karaamada badan Alle agtiisa waa kan idiinku Alle-ka-cabsiga badan.
(Suuratul-Xujuraat: 13)
Sidaas darteed, qofka Amxaarada ama Oromada ah laguma dulmi karo asalkiisa.
Dhiigga iyo hantida Muslimku waa xaaraan
Rasuulka scws wuxuu yiri:
كُلُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ حَرَامٌ دَمُهُ وَمَالُهُ وَعِرْضُهُ
: Muslimka oo dhan Muslimka kale Waxaa Xaaraan ka ah dhiiggiisa, maalkiisa iyo sharaftiisa.
(Saxiix Muslim, 2564).
Guriga qofku waa hantidiisa. In la gubo iyadoo aan xaq sharci ah jirin waa ku xadgudub hantidiisa, waana dulmi weyn.
Xitaa qofka aan Muslimka ahayn lama dulmin karo
Haddii qofkaasi aanu Muslim ahayn, haddana uu dalka ku joogo heshiis, ama oggolaansho, mana bannaanano in la dilo ama la dulmiyo.
Nabigu scws wuxuu yiri:
مَنْ قَتَلَ مُعَاهَدًا لَمْ يَرَحْ رَائِحَةَ الْجَنَّةِ
Qofkii dila qof heshiis [balan] haysta, ma urin doono udgoonka Jannada.
Saxiixul-Bukhaari, 3166.
Tani waxay muujinaysaa sida shareecadu u ilaalisay xuquuqda dadka aan Muslimka ahayn ee balanka haysta megan galyada ah.

October 30, 13:04

Bismillah Waxaan ka hdli doonaa Galabta Mawduuc Muhiim ah Indhaha Halkaan ku haaya. Oo Lagu xirira barakicinta burinta dilka dad muslimin ah qawmiyaddooda darteed

October 28, 05:10

🛑
Toos oo baraarug! Ka jar silsiladdan qarsoon ka hor inta aanay noloshaada iyo qalbigaaga addoonsan.
Noloshaada u dooro baraarug iyo ujeeddo,
waqtigaagana u yeel qorshe, qalbigaagana ka ilaali wax kasta oo wasakheeya.
💎
Maskaxda ku hay:
Haddii aadan adigu xakamayn karin Reels-ka, ugu dambayn iyagaa ku xakamayn doona.
Adigu dooro waxa aad daawanayso adigoo miyir qaba, hana noqon qof si tartiib ah loogu jiidayo wax qalbigiisa dhaawacaya, diintiisana daciifinaya, waqtigiisana luminaya isaga oo aan xitaa dareensanayn.
Ha u oggolaan muuqaallo ilbiriqsiyo soconaya inay kaa xadaan saacado noloshaada ka mid ah, hana u oggolaan madadaalo ku meel gaar ahi inay kaa lumiso raaxada joogtada ah ee u-dhawaanshaha Alle.
#Baraarug
#IlaalintaWaqtiga
#NoloshaWanaagsan
#KaFaa
’iidaysoWaqtiga
#FAH@FAHANKANOLOSHA35

October 28, 05:04

Haddaba, maxaa xiga?
Waxaad luminaysaa macaankii cibaadada iyo raaxadii qalbiga ee ka dhalata u-dhawaanshaha Alle!
Qofna kuma lahan naftaada ha madaddaalin, balse qalbigaaga weydii:
Waxa aan daawanayo ma kordhinayaan aqoontayda iyo garashadayda?
Ma ii dhoweynayaan Alle mise way iga fogeynayaan?
Ma kor bay ii qaadayaan mise waxay iga luminayaan waqtigayga qaaliga ah?
Markaan taleefanka dhigo, ma waxaan dareemayaa inaan wax faa’iido leh helay, mise waxaan ka shallaayaa waqtigii iga lumay?